Wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose.
Gobolka Jubbada hoose, waxaa ka dhacay subaxnimadii saaka, dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay kula jarmaadeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Jubbaland.
Maleeshiyaadkan oo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay tababartay dowladda Imaaraadku, ayaa lagu beegsaday saldhig ay ku leeyihiin inta u dhaxaysa Buulo-gaduud iyo magaalada Kismaayo.
Isla Jubbada hoose, waxaa sidoo kale habeennimadii xalay ka dhacay, weerar culus oo jihaadiyiintu ay ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Axmed-madoobe ee deggaanka Baarsanguuni.
Gobolka Shabeellaha hoose, jihaadiyiintu waxay ka fuliyeen habeennimadii xalay, weerar culus oo ay ku mireen xerada ciidamada Afrikaanta ee deggaanka Golweyn ee degmada Buulo Mareer.
